Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan booliska wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay magalaada Goday ee gobolka Shabelle.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Amin Jawhar Cabdullahi sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Goday oo ku aadan falkaasi.

Inta badan ciidamada degaanka ayaa lagu eedeeyaa inay waxyeelo kala duwan u geystaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Shabakada Halgan Media