Xildhibaanada golaha shaabka ee ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in golaha shacabka Barlamanka Federalka Soomaaliya ay horgeyn doonaan tacadiga iyo dhibaatooyinka shacabka ku safra wadada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho ay la kulmaan.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in dhibaatooyin joogta ah ay la kulmaan shacabka ay ku matalaan golaha shacabka ee ku safra wadooyinka gobolada dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed kana mid ahaan wafdigii guddoomiyaha golaha shacabka ku wehlinaayay safarkii uu Baydhabo ku tagay ayaa sheegay in kulan gaar ah laga yeelan doono xal u helida xaaladaha taagan.

Waxa uu xusay in guddoonka golaha shacabka ay u gudbiyeen cabashooyinka iyo dhibaatooyinka heysta shacabka Koonfur Galbeed hadana ay rajeynayaan in golaha shacabka u gudbinayaan.

Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ee ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin taasi oo ah in dhac iyo dhibaato loo geysto shacabka isticmaalaya wadada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.