Wararka nagasoo gadhaay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inuu banaanbaxyo xoogan kasocdo gudaha Gobolka Oromada gar ahaan magalaada Baali oo lagu hor jeedo xasuuqda iyo barakicinta ay maleeyshiyaadka Axmaraada Ku hayaan shacabka Oromada kudhaqaan gobolka Wollo.

Warkan ayaa intaas ku daraya in banaanbaxyadu kusii fidiyaan deegaamo badan oo kamid ah Gobolka Oromiya. Shacabka banaanbaxaya ayaa ka cabanaya dilka iyo barakicinta lagu hayo shacabka Oromiya ee ku dhaqan deegaamada ku liilsan xadka ay wadaagaan Axmaraada.

Xiisad isir nacayb ku salaysan ayaa ayaa in mudo ah ka socota xadka ay labada qawmiyadood wadaan. Dawlada Dhexe ayaa ciidamo aad u tiro badan kusoo daabushay deegaamada ay xiisadu hadheeyeen balse aan wali waxba soo kordhicin.

Hoos Ka Daawo Sawiirada

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.