Banaanbayxo waa weyn ayaa ka dhacay magalaada Jigjiga. Banaabaxa ayaa yimid ka dib markii meydka in ka badan 20 qof oo ah Haween, Caruur iyo Dad waayeel ah oo Soomaaliyeed lagu laayay degaanka TuliGuuleed iyo Jinacsani ee ay weerar ku soo qaadeen maleeyshiyaadka Oromada.

Kumanaan qof ayaa iskugu soo baxay gudaha magaalada Jigjiga iyo barxada isbitaalka, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin ficilada ugaarsiga shacabka iyo qof kasta oo suurad Soomaaliyeed ah ee ay wadaan maleeyshiyaadka Oromada.

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa isku dayay in xaaladda magaalada Jigjiga la dajiyo, balse dadkii ugu faraha badnaa ayaa ku soo xoomay wadooyinka.