Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in maamulka Tigreega ay bandow kusoo rogeen deegaanka sida ay sheegtay madaxda Ismaamulka Tigreega.

Madaxweynaha Tigreega ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in gabi ahaanba isku socodka ka jiri jirtay Ismaamulka Tigreega la jooji doono, iyo goobaha ay dadka isugu imaadaan sida Maqaaxida la xidhi doono.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii uu cudurka Coronavirus ku faafay gudaha dalkaasi Itoobiya, taas oo ay maamulka Tigreega ka cabsi qabaan inuu deegaankooda cudurka ku faafo sida uu warka u dhigay Madaxweynaha Tigreega.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.