Beesha Xawaadle ee Ku dhaqan gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba mucaaraday madaxweyne Waare iyo mamuulka Hirshabelle.
Shir ay shalay ku qabteen magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayna ka qayb galeen wax garadka, oday dhaqmeed yada iyo masuuliyin kasoo jeedo beesha ayey si cad ugu cambareyen xukuumada Hirshabelle kadib marki la ogadaay inay beesha Abgaal wadan qorsho ay kula wareegayaan madaxtinimada Mamuulka Hirshabelle madaama uu dhaw yahay xili doorashaadka maamulka.
Kacdoonkan siyaasadeed ee ka biloowday Beledweyne ayaa dhabar jab weyn ku ah qorshaha dhalanteetka ah ee lagu waramayo in Fahad Yaasiin iyo Cali guudlaawe iyo Waare ay wadaan oo ku aadan in Villa Soomaaliya aay waddo qorshe ah in madaxweynaha hirshabelle laga dhigo madaxweyne ku xigeenka Hirshabellr Cali Guudlaawe Xussen oo kasoo jeedo beesha Abgaal.
Beesha Xawaadle ayaa sheegay in ay ka bixi doonan Mamuulka Hirshabelle, hadi ay beesha Abgaal sii wadaan dan-dansiga ayku doonayaan lawareegida madaxtininada mamulka Hirshabelle.
Halgan Media.