Hooyada dhashay dhigya cabka Cabdi Iley ayaa waxa ay sheegtay in wiilkeeda lagu jir dilay xabsi ku yaalla caasimada gumeysiga itoobiya ee Addis Ababa.

Waxa ay sheegtay dhacdadaasi inay la kulantay xilli iyada iyo xaaska Cabdi Iley ay raashiin geeyeen xabsiga, islamarkaana ay aragtay wiilkeeda oo sideed nin ay garaacayeen, kadibna laga soo tuuray jaranjaro ku taalla xabsiga gudihiisa.

Waxa ay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi Iley oo wada socda, islamarkaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in dhulka madaxa looga garaacay dhagar qabe Cabdi Iley, xittaa uu gabay codkii taaha ahaa ee xanuunka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.