Waxaa laga ciiday dhamaan gobolada deegaanka Somalida waxaana hada wakhti xadirkan laga qaadayaa tagbiirta masajida wawayne ee magalada Jigjiga.

Bisha oo laga arkay magalada Wardheer ee xarunta gobolka Dollo khasatan tuulo u dhaw magalada wardheer halka oo gadiid ay u qaateen culimada masjid aclaha magalada kana soo xaqiijiyeen aragtida bisha soo naa dhaariyeen dadkii arkay.

SBishii barakaysnayd ee ramadaan ayaa waxay ku dhamaatay si khayr ah hadaba dhamaan muslimiinta caalamka waxa halkan hanbalyo aan laa soo koobi karin uga diraya shabakada wararka ee halgan media oo idin leh bishan bisheeda illahay haynagu gaadhsiiyo.

Caafimaad nabad barwaaqo iyo badhaadho bisha barakaysan ee inaga dhamaatayna illahay hayna siiyo ajarkeedi iyo xasanaadkeedi insha allah.

Ugu danbayn bahda Halgan Media waxay si khaas ah ugu diraysa hanbalyada ummada Soomaaliyeed oo illahayna uga baryaso bahdu in midnimo ismaqal watashi iyo is fahan deg-deg ah dhex dhigo meel kasta oo ay dagto ama ku nooshahay umada Soomaaliyeed.

Halgan Media.