Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gobolka Bay ku weerareen ciidamo Itoobiyan ah.

Weerarka oo ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa sababay dagaal fool-fool ah oo dhinacyadda dhexmaray.

Ciidamada Itoobiya waxaa la beegsaday iyagoo maraya degaanka Yuurkud.

Xarakada Al Shabab ayaa inta badan weeraro dhabogal ah kuqaada ciidamada Itoobiya xiliyada ay kusocdaalayan wadooyinka xiriiriya koonfurta soomaliya.

Dadka degaanka ayaa Halgan Media u sheegay in uu jiro khasaaro soo kala gaarey dhinacyadda, wallow aanan la xaqiijin tiradda guud.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kal soco Halgan Media.