Ciidamada Itoobiya oo Lagu Weeraray Koonfurta Soomaaliya

Ciidamada Itoobiya oo Lagu Weeraray Koonfurta Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolkaas iyo ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay goobta loo yaqaano “Saha Gaduuda” oo ku yallo inta udhexeeyo tuuloyinka Kurteela iyo Yurkud, kadib markii Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya siida ay sheegan ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaro.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay in dagaalka ka hor la maqlay jug xoogan taas oo loo maleynayo inay tahay qarax. Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac dagaalkaas kasoo gaaray.

Ururka Al Shabaab weli kama hadlin dagaalka shalay gelinka dembe dhex maray iyaga iyo ciidamada Itoobiya.

Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in xiligaan uu yahay mid degan,isla markaana dadkii ku noolaa qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday xilligii uu dagaalka socday.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.

About The Author