Dagaal culus oo u dhaxeeyay ururka Al Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo dulaan Ku joogo Soomaaliya ayaa waxuu ka dhacay Magaakada Bardaale ee Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay Al Shabaab weerar kusoo qaadeen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Weerarka oo ka dhashay Dagaal fool ka fool ah ayaa waxuu ka dhacay hareeraha garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Itoobiya oo ku aadan Dagaalkii ka dhacay magaalada Bardaale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.