Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo raaf ah ka bilaabay deegaano hoostaga gobolka Sitti.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen agagaarka degmada Cundhufo ee gobolkaasi.

Dad isugu jira xoolo dhaqato iyo beeraley oo ku sugnaa halkaasi ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamadu ay kaxeysteen, inkastoo aan la shaacin tiradooda.

Xaaladda ayaa haatan kacsanm iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ku muujiyanaa dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobolka Sitti.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media