Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ahaa oo xalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya iyo sarakiil Somali ah xili ay ka baxeen degmada Qansaxdheere, kuna sii jeeday degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka aaso ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo sarakiisha Somalida xilli ay marayeen goobta loo yaqaan “Buulo Fuur” oo ku yallo degmada Qansaxdheere iyo tuulada Kurtun ee gobolkaasi, kadibna waxaa xigay iska horimaad fool ka fool leh oo halkaasi ka dhacay.

Waxaa lagu soo waramaya in ugu yaraan 17 askari katirsan ciidamada militariga Itoobiya lagu diley weerarka, siido kale ay jirto dhimasho iyo dhawaac aad u badan.

Dhinaca kale ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaro ayaa shabakada Halgan Media u xaqijyay sarakiisha Somalida la socday ciidamada Itoobiyanka oo ka badbaaday weerarka waxaa kamid ahay guddomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Carcase.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.