Wararka naga soo gaaray gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galaabta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Halgan ay tiro Madaafiic ah ku Garaaceen tuuloyin hoostaga duleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in ku dhawaad 10 Madfac ay ku kala dhaceen qar kamid tuuliyonka ku dhow degmada Halgan.

Ariintan ayaa yimid kadib markii ay dagaalyahan katirsan Xarakada Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidan ee Itoobiyanka ku leyihiin degmada Halgan.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay weeraradaasi Madaafiicda ah ,balse deegaanadaasi ayaa waxaa ka arrimiya Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa horay weeraro nuucaani ah waxa ay ugu qaadeen isla deegaanadaasi , kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay halkaasi ka sameeyeen Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.