Wararka nagaa soo gaadhaya Koonfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Koloonyo ciidan ay leyihiin ciidamada Kenya ay qarax lagula eegtay inta u dhaxeeyo degmooyinka Afmadoow iyo Dhobley.

Siida aan xoogta ku helnay, ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiay inay ciidamada Kenya kasoo baxeen degmada Afmadow ayaga oo u socdo dhanka degmada Dhobley, markii ayey la kulmeen Mino dhulka lagu aasay.

Qaraxas wuxuu burbuur u geystay gaadhiga ay ka socdeen ciidamada Kenya, lakiin weli lama xaqiji kaaro khasaaraha. Sidoo kale hayaadaha amaanka ee mamuulka Jubaland iyo dowlada Kenya kama hadlin weerarka ciidamada kenya ay maanta la kulmeen.

Koonfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Jubada Hoose iyo Gedo waxa dulaan ku joogo kumanaam ciidamo Kenyan ah oo sii sharci darro ku joogo dalka, kadib markii ay Soomasliya kuso duleen 2011-kii.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.