Wararka ka imaanaya magalaada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay la afduubay laba macaalin Quran.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Dowlada Ingriiska loo yaqaan RRU-da ayaa labadaasi macalin ka bahsaday guri ku yalla xafaada Jarrato ee magalaada Hargeysa.

Ciidamada ayaa si kadis ah ku tegay malcaamadda waxaana ay gaari daboolan ku riteen labadii macallin ee haystay malcaamadda sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa uu la xiriiro kiiska loo haysto macallimiinta. Sidoo kale markii laga soo bilaabo 2001, waxaa dalka Soomaaliya laga afduubay Culuuma iyo wadaado badan oo waxba galabsan. kadibna loo gacan geliyay Dowlada Maraykanka iyo gacaan yarahooda gar ahaan Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.