Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee dalka Soomaaliya.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa la sheegay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi lagula bartilmaamedsaday inta u dhexeysa degmooyina Bardaale iyo Baydhabo ee gobolkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen labo ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan mamuulka gobolka Bay ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxyadaasi, mana cadda illaa iyo hhadda khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale ururka Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, sida ay ku baahiyeen baraha bulshada ee Internet-ka.

Al Shabaab aya warkan ku sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaasiyeen Ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada Itoobiya ay horay u sii wateen qaraxyada kadib socdaalkooda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.