Wararka nagasoo gadhaaya gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Doolo ayaa sheegaya in tuulada Qamuuda xoolo ay leeyihiin shacabka Ree Ogadenia ay ciidanka gumeysiga itoobiya ka dheceen.

Ciidamada cadowga itoobiya oo caan ku ah dhaca iyo boobka shacabka aan isdii faaci kariin ee Soomaalida Ogadenia ayaa siilaba jibaaray boobki ay kuhayeen shacabka dulman.

Ree Xaaji Ciise Khalif ayaa laga dhacay 70 geel ah iyo adhi aad ubadan. Shabakada Halgan Media ayaa heshay xog hoos oo sheegaya inay jiraan dadkale oo iyana sidan xolohodii looga dhacay.

Lama oga sababta kadanbaysa dhaca hantida shacabka ay ciidanka cadowga itoobiya ku keceen, balse wa qayb kamida dhaqanka gumeysiga.

Warkan iyo wixi kaso kordho Halgan Media.