Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay Xalay kooxo hubeysan ka geysteen tuulada Bal Wanaag ee gobolka Doolo.

Dilka ayaa loo geysatay Maxamed Cali Deeq Farah oo la sheegay inuu ahaa niin Xoolo dhaqaato ah, si weyn looga yaqiinay degaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragii ka dambeeyey dilkiisa ay si aayar uga baxsadeen goobta.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Mamuulka Somalida. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.