Wararka aan ka heleyno deegaanka Xaawo Cabdi ee kuyaala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in kooxo hubeesan halkaasi ku laayeen dad shacab ah oo olole nadaafadeed waday.

Kooxo hubeesan ayaa la sheegay in rasaas xoogan ku fureen dad shacab ah oo olole nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan dhanka Laamiga , waxaana dadka la weeraray ay u badnaayeen haween ka shaqeeya Nadaafada.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay 9 Qof oo u badnaa haween masaakiin ah, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay weerarkan sida ay xaqiijiyeen maamulka Deegaanka Lafoole.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.