Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta ka qarxay qabalaha Baraajisaale oo katirsan degmada Kudun Buur ee gobolka Qorahay.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhawaacmay sedax Qof.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Qorahay oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan siidi ay sheegan dadka degaanka, kadib Liyuu Booliska markii goobihii lagu dagaalamay ay dhaq dhaqaaqyo ka bilabeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.