Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta ka qarxay degmada Saliida ee gobolka Erar.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay hal qof iyo 8 kale oo Ku dhawaacmay.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Erar oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi. Xaaladdd ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.