Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed khasaaro geystay oo saaka ka dhacay tuulada Ceel-Lamood ee gobolka Qorahay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu u dhexeeyay labo maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan degmadaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Qorahay iyo kan tuulada Ceel-Lamood oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan mid degan, inkasta dadka degaanka ay soo warinayaa inay ka cabsi qabaan inay dib ubilaabato is-rasaasaynta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.