Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Shabelle ayaa sheegaya inuu shalay dagaal beleed ka qarxay degmada Dhanaan kadib markii ay laba qoys isku dhaceen.

Sida ay ila-wareed lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen wuxuu dagaal ka dhacay degmada Dhanaan ee gobalka Shabelle ee Ogadenia, waxaana la sheegayaa inuu jiro dad oo dhawaac gadhaay.

Dagaalkan oo magaalada gudaheeda ka dhacay ayaa sababtiisa lagu sheegay inay la xidhiidho hanaanka kuraas-qaybsiga ee maamulka, ila hadda lama sheegin cid kala dhex gashay labada qabil ee walaalaha oo dagaalamaay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.