Wararka naga soo gadhaay bariga dalka Ogadeniya ayaa ku warramaya inuu dagaal xoogan uu ka dhacay degmada Galaadi ee gobolka Doolo.

Dagaalkan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 2 Qof.

Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka kasoo jeedo gobolka Doolo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Mamuulka degmada Galaadi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.