Wararka naga soo gaaraya Gobolka Erer ayaa ku warramaya in saaka aroortii hore uu dagaal xoogan ka qarxay degmada Salaxaad ee gobolkaasi.

Sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah daaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan gudaha degmadaasi.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda halkaasi.

Sidoo kale ma jiro  wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo Islmamuulka Somalida oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaallada u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay degmada Wanlawey, mana muuqato dadaallo looga hortagayo xiisadaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.