Wararka naga soo gadhaay gudaha Itoobiya gar ahaan degmada Tekha oo u dhaxayso xaduudka gobolka Oromada iyo gobolka Axmaraada ayaa soo warramaya in xalaay Dagaal xoogan uu ka dhacay halkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen maleeyshiyaadka Oromada iyo Axmaraada oo kudhaqaan degmada Tekha. Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay bartaamaha degmada.

Sidoo kale 200 Qof oo shacab ah ayaa degmada Tekha ka barakaceen dagaal kadib siidi ay sheegan idacaada Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC).  Xaalada guud ee degmada Tekha ayaa ah sakaay mid deggan, inkastoo Dagaalkii xalaay ka dhacay uu khasaaro badan gaarsiiyay qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan degmada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.