Wararka Halgan Media kasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Libaan ayaa sheegaya in halkaasi uu kasocdo dagaalo faraha kabahay oo udhexeeya Oromada iyo Somalida.

Ciidamo ay Oromada leedahay oo dhawr qaybood kakooban iyo shacabka Somaliyeed ayuu dagaal weli kadhex socda gobolka Libaan. Khasaaraha ilaa hada ay Halgan Media heshay ayaa ah dhanka Somalida 7 dhimasho ah.

Dhanka kale weli ma anaan helin sababta loolayay dadkan shacabka oo waxba galabsaniin. Wararka ayaa intaasi kudara in markii Oromada lajabiyay, shacabka Ogadenia ay dhabar jabin usameyeen ciidanka Wayaanaha.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.