Dagaal culus ayaa ka Qarxay degmada Afdem ee gobolka Shiniile kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada weeraren shacabka Somalida kudhaqaan degmada Afdem.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxuu u dhaxeeyaa maleeyshiyaadka Oromada oo kala taabacsan Ismaamulka Oromada iyo shacabka Soomaaliyeed.

ilo wareedyo kusugaan degmada Afdem oo la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa waxuu sheegay inuu Dagaalka socday muddo sac.

Waxaa uu si hordhac u sheegay inay maleeyshiyaadka Oromada bilabeen inay rasaas kufuraan shacabka Somalida kudhaqaan degmada Afdem, kadib markii ay kasoo gudbeen xaduudka u dhaxeyso Ogadeniya iyo gobolka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.