Wararka ka imaanaya tuulada Daraami ee gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Oromada weerar ku qaadeen tuulada Daraami oo udhow degmada Tuliguuleed.

Inta uu dagaalka socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka. Dadka degaanka oo si hoose ula hadlay Halgan Media ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, ayaga oo intaaasi ku daray in weerarkaasi ay Oromada kufashilmeen.

Shacabka Somalida kudhaqaan tuulada Daraami waxba maa gadhiin siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalson yahaay.  Sidoo kale xalaada ayaa weli kacsan. Maleeyshiyaadka Oromada ayaa marwalba weerar ku qaadeen shacabka Somalida kudhaqaan xaduudka u dhaxeyso Somali Galbeed (Ogadeniya) iyo gobolka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.