Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in Kacdoon-wadayaasha kasoo jeedo qomiyada Oromada ay gebi ahaanba xidheen jidka isku xidho Addis Ababa Iyo Harar.

Jidkan ayaa ah jid ahmiyad gaar ah u leh Itoobiya maadama aysan Itoobiya bad wax uga soo dagaan aysan lahayn.

Sida aan xogta ku helnay dhalinyarada Oromada oo Caraysan ayaa dhagaxyo iyo isbaarooyin dhigay jidka, taas oo keentay in gabi ahaanba la hakiyo isku socodka ay dadka rayidka ama ciidamada dowlada ay kusoo mari lahaayeen jidka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inay Oromada bilaabeen inay beegsadaan dadka kasoo jeedo qowmiyadaha kale gaar ahaan kuwa Amxaarada oo isku dayayo inay ku safraan jidka dheer ee isku xidho magaalada Addis Ababa iyo Harar

Xaalada Itoobiya meelxun ayay maraysaa. Wixii kasoo kordha kala soco Halgan Media.