Wararka laga helayo gudaha Itoobiya gar ahaan ismamuulka Axmaraada ayaa ku warramaya in saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa milatari ayaa si aad ah looga dareemayaa deegaano dhowr ah oo katirsan gobolka Shewa iyo gobolka Wollo ee ismamuulka Axmaraada.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay in weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay jiraan xiisado xoogan u dhaxayso Axmaraada iyo Oromada malmaahi u dambayay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.