Wararka nagasoo gadhaay Jamhuuriyada Soomaaliya gar ahaan Gobalka Hiiraan ayaa Saakay  sheegaya in Ciidamada Militariga Soomaaliya ay Howlgalo ka dhan ah ururka AL Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Howlgalka ayaa ciidamada Xoogga waxaa ay ka wadaan inta u dhexeysa Magaalooyinka Beledweyn iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobalka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in howlgalka looga goleeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Shalay uu dagaal xoogan uu ka dhacay inta u dhexeysa Magaalada Beledweyn iyo degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.