Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen bustoolado ayaa waxaa xalay Xaafada dabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool Xaafadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen Wiilka Dhalinyarada ahaa oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Suudaani xilliga la dileyey uu ku sugnaa Farmashiye uu ku lahaa kasoo horjeedka Masjidka Al-Nuur,isla markaana uu ku howlanaa sidii uu u xiri lahaa Farmashiyaha si uu u aado Salaada Cishaha oo lagu jirey,hayeeshee ragga dilka geystay ay baxsadeen.

Dr. C/llaahi Yusuuf  Suudaani ayaa Alshabaab waxa ay sheegeen in koox iyaga ka tirsan ay toogteen xalay fiidkii isl markaana waxa ay tilmaameen in uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda gaar ahaana qeybta Dharcadka.

Dhinaca kalana dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dil iyana sioyaabooyin kala duwan uga dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho iyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kuwaas oo dhammaantood dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media