Wararka aan ka heleyno Koonfurta Soomaaliya gar ahaan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas ay burburtay diyaarad nooca Milateriga oo siday Sahay.
Diyaaradaas oo lahaayeen Ciidanka Kenya ayaa burburtay xili ay dooneyso inay Cagadhigato dhabbaha Garoonka diyaaradaha Dhoobley, hayeeshee ay burburtay, uuna ka kacay dab xoogan.
Ilo wareedyo ku sugan degmada Dhoobley ayaa Halgan Media uu soo sheegaya in diyaaradaas ay Sahay uu siday Ciidamada Shisheeyaha kaso jeedo dalka Kenya, isla markaana ay kasoo duushay Saldhig ay leeyihiin Ciidankaas.
Weli lama oga sababta keentay burburka diyaaradda, waxaana shilka ku dhintay hal qof, sidoo kalena uu ku dhaawacmay laba qof kale oo duuliyaha caawiye u ahaa.
Halgan Media.