Ilo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa idaacada Halgan Media u xaqiijiyay inay Diyaaradaha Mareykanka ay leyihiin oo loo yaqaano Drones-ka duqeyn wuxuushnimo ah xalay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Sida aan xogta ku helnay Diyaaradaha Mareykanka ayaa sedax Gantaal ku riday degmada Jilib waxaana mamuula degmada Xarakada Al Shabaab, waxaana duqeynta ku naf waayay sedax qof oo shacab ah

Dadka ku dhintay waxay kala yihiin Cabdi Cismaan Keerow, Gasoor Madaay iyo hooyo Soomaaliyed oo 70 jir ah oo lagu magacaabo Xaajiyo Muuse Macow

Duqeymaha ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya ayaa aad uso kordhay mudooyin kii u dambeyay, waxaana duqeymahaas u badan ku wax yeellooba dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.