Codeynta Doorashadda Baarlamaanka dalka Afghanistan gaar ahaan Gobolka Kandahar ayaa Bilaabatay maanta oo Sabti ah, kadib markii Weerarro Taalibaan ay sheegteen ay kalifeen in dib loo dhigo Doorashadda oo dalka dhan laga qabtay Todobaadkii hore.
In ka badan 522,000 oo ruux ayaa isu diiwaan galiyay in ay codkooda ka dhiibtaan 173 xarumood oo Gobolka Kandahar ku yaala, sida uu sheegay Guddiga Madaxa banaan ee Doorashoyinka.
Guudiga Doorashadda ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in 111 musharax ay u tartamayaan 11 kursi oo baarlamaanka kasoo gala Gobolka koofureed ee Kandahar. Guud ahaan kuraasta Baarlamaanka Afganistaanna waa 250 kursi.
Doorashadda oo Dalka intiisa badan loo codeeyay Todobaadkii hore ayaa waxaa hareeyay Qalalaase ay taalibaan horseed ka yihiin.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.