Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in ku dhawaad boqol Askari kana tirsan ciidanka Xooga Somaliya ayna dowlada Turkiga tobabaartay loona yaqaano Gorgor ay maanta kasoo degeen garoonka ku yaalo magalaada Dollow.

Ilo amni oo la hadlay Halgan Media ayaa xaqijiyay in 82 Askari kana tirsan ciidanka Gorgor lagana soo qaday caasimada Muqdisho ay maanta yimadeen magalaada Dollow, waxeyna ilaha amniga si sheegen in ciidamadan laga soo qoraay magalaada Beled Xaawo markii ay Dowlada Federalka si xog magalaada kala wareegen Mamuulka Jubbaland, islamarkii ayaa tobabaar loo diray, iyagoo maanta ay kuso labteen gobolka Gedo.

Xaaladan cakiran ayaa ka tagneed gobolka Gedo sanadkii u dambeyay, taas oo uu dhexeeysay Dowlada Federalka Iyo Mamuulka Jubbaland, xiisada u dhaxeeyso labada dhinac ayaa sii xogaystay todabadyadi lasoo dhaftay.

Mamuulka Jubbaland weli kama hadlin ciidamada cusub ee la geyay gobolka Gedo. Waxaana hubaal ah in imaanshaha ciidamada cusub, lana geeyay gobolka Gedo ay xalada cakiran cirka sii geyn doonto.

Halgan Media.