Ku dhawaad 20 rux ayaa lagu eedeeyay argagixiso nimo, waxaana dadkan loo heystaa inay ku lahaayeen qafaalasho loo geystay 15 gabdhood oo sanadkii hore laga qafaashay gobolka Oromada.

Nimankan oo tiradooda gaarayso 17 ayaa la sheegay inay gabdho ka afduubeen jaamacada Dembi Dollo oo ku taallo gobolka Oromada, kadibna u gacan geliyay Jabhada hubeysan ee OLA.

November 2019 ayey aheed markii kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin ay qafaasheen gabdhaan ardayda kasoo jeedo qowmiyada Amxaarada oo Ku nool gobolka Oromada.

Jabhada Oromo Liberation Army (OLA) weli kama jawaabin eedeymahan cusub oo loo soo jeediyay, sidoo kale Jabhadaan ayaa ku dhawaad laba sano dagaal fool ka fool ah kula jiro dowlada Itoobiya.

Halgan Media.