Dowladda Kenya ayaa markale ku dhawaaqay in ay xirayso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee ku yallo Gobolka NFD, ka dib markii ay kordheen dagaalada iyo weerarada, kuwaas oo ay geystaan ururka AL Shabaab.

Hay’addaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in tilaabaddaan ay timid ka dib markii la ogaaday in dadkii dhowaan weeraray Hoteelka Dusit 2 ee Magaalada Nairobi ay kasoo galeen dalka Kenya dhanka xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxay sidoo kale sheegeen in waraaqaha Al-Shabaab ay kusoo galaan dalka Kenya laga sameeyo xeryaha Dhadhaab, taasina ay khatar ku tahay ammaanka guud ee dalka Kenya.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaaliyeed, dadkaas qaar kamid ah ayaa dib ugu laabtay dalka, balse waxaa weli ku nool kumanaan qoys oo kale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.