Maxkamad Milatari oo ku taalla dalka  Masar ayaa xukun ku dil toogasho Ku Riday  Siddeed eedeysane oo ka tirsan maleeyshiyaadka  daacish qaybta ka dagaalanta bariga Sinai ka dib markii lagu helay in ay dileen Askar ka tirsan Ciidanka Masar.

Weriye ka tirsan Wakaaladda AFP ayaa ka soo xigtay sarkaal millatari oo ka trisan Ciidanka Masaarida in  kiiska eedaysanayaashan loo haysto.

Dhanka kale Maxkamd Millatari oo ku taal gobolka xeebta ee  waqooyiga Qaahira ayaa sidoo kale ku xukuntay 32 eedeysane xabsi daa’in halka 25 sano oo xarig ah lagu xukumey laba eedaysane. Maxkamadda ayaa sidoo kale laba kale u fideysay cafis.

Tan iyo markii uu madaxweynihii hore ee  Masar  Maxamed-Morsi la afgambiyaay 2013-kii ciidamada Ammaanka Masar ayaa waxaa soo wajahdey cadaadis uga imaanaya kooxaha xag-jirka ah gaar ahaan kooxaha ka dagaalama waqooyiga Sinai.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.