Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin sabab Soomaaliya ka hor istaagi karta in ay Ciidamo ku biiriso howlgalka nabad ilaalinta Suudaanta Koonfureed, kaddib markii uu dhawaan Urur goboleedka IGAD ka codsaday dowlado Soomaaliya ay ka mid tahay in ay Ciidamo u diraan dalka South Sudan.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka waaban doonin ka qeybgalka nabad ilaalinta dalka Konfurta Sudan.

‘’Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay suurtagal ku noqon karto Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado in Ciidamo ay ku biiriso nabad ilaalinta dal kale, ‘’ Maxaa diidaya oo naga hor istaagi kara in aan sidaa yeelno’’ dalka Burundi Ciidamo nabad ilaalin ah ayey u soo direen Soomaaliya, xili gudaha dalkaasi ay ka jireen colaad iyo dagaallo dhaxdooda ah, sidaa daraadeed ma jirto sabab naga hor istaagi karta annagana in aynu qeyb ka qaadanno dhismaha nabada qaarrada’’ ayuu yiri wasiirka.

Urur goboleedka IGAD ayaa dalbaday in la helo Ciidamo ka socda wadamada ku jira Ururka in ay Ciidamo u diraan dalka Koonfurta Sudan, si loo ilaaliyo hergalinta heshiiskii dhawaan Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda iyo mucaaradka dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya haddii ay aqbasho dalabka Urur goboleedka IGAD waxaa loo baahan doonaa qorshahan in la hor-geeyo GHolaha Shacabka, si ay u helaan Ciidamada ogolaasho buuxda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media