Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dalka Guinea.

Xukuumadda federaalka ayaa ku eedeysay wadankaasi Galbeedka qaaradda Afrika ku yaala in uu ku xadgudbay madax banaanida iyo midnimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

Wadanka Guinea ayaa waxa uu todobaadkan soo dhaweeyay Taliska Muuse Bixi iyo Wafdi kasocdo maleeyshiyaadka SNM oo la magac bahay Somaliland oo ka talliyo Waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo warkan ku dhawaaqey, ayaa sidoo kale wadamada kale uga digay talaabooyinka noocaan ah.

Lakiin weli waxa jiro Dhowr su’aal, waxaana kamid ah

Horta Dowlada Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed ma la leedahay dalka Guinea ? 

Guinea waa wadan ku yaalo Galbeedka Qaaradda Afrika. Wadankaan wuxuu xuduud la leeyahay wadamada Senegal, Sierra Leone, Ivory Coast, Guinea Bissau, Liberia iyo Mali dhammaan dalalkaan marka laga reebo dalka  Sierra Leone oo mar Ciidamo ka joogi jireen Soomaaliya,ma jirto dal Safaarad ama Qunsuliyad ku leh Soomaaliya.

Sidda ku  Cad bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Guinea Soomaaliya maa kamid dalalka Safaaraddaha, Qunsuliyaddaha ama xiriir Diplomaasiyeed Mid ganacsi uu kala dhaxeeyo, kaliyah waxa ay ka wada tirsan yihiin Midowga Afrika.

Mamuul Ku sheega Farmaajo ayaa dad badan ku dhaliilsan yihiin in aysan ka hadlin Booqashooyinkii Taliska Muuse Bixi uu ku tagay caasimada Gumaysiga Itoobiya iyo dalka Imaraadka Carabta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.