Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey tuulada Welmarrow oo katirsan degmada Afmadow ee gobalkaasi.

ilo wareedyo ayaa u sheegay idaacada Halgan Media in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha ay qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Duqeynta ayaa beegsatay guri uu tuulada Welmaarow ka deganaa Nin xoola dhaqate ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed.

isaga dhaawac fudud ayaa gaaray halka Laba neef oo dameero ah ay dhinteen

Weli Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mamuulka Jubaland ama Dowlada Federalka oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.