Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Somalia.

Wararka ay Halgan Media ka heleyso gobolkaasi ayaa ku warramaya in duqeyntu ay ka dhacday degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al Shabaab.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay duqeyntaasi.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa duqeymo dhanka cirka ah ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo ay weli ku xoogan yihiin Al Shabaab.

Duqeymahaasi waxaa inta badan fuliya diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareykanka iyo Kenya oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.