Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Ismiidaamin ahaa oo xalay fiidkii hore ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Weeerarkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu fuliyay nin Naftii hore ahaa oo isku qarxiyay gaari ay la socdeen mas’uuliyiin kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Dadka ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ah C/fitaax Maxamed Cali oo ahaa lataliyihii dhinaca siyaasadda ee R/wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee maamulka Khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarkan Ismiidaaminta ahaa uu ku dhaawacmay Korneyl C/raxmaan C/laahi Axmed Afweyne oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka maamulka Puntland.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.