Waxaa su’aalo maanka gadaya ah sababta qof dhibbane soo noqday uu u gaysto dhib le’eg, ama kudhaw midkii shalay isaga loo gaystay ! ?

Maxaa ku qaada dadka xorriyad-darrada ka gilgisha in ay markooda dadka xorriyadda ka qaadaan ! ? Madaxa maamulka Deegaanka Soomaalida Mustafe Muhumed Omar (Mustafe Cagjar) shalay isaga iyo qoyskiisuba waxay kamid ahaayeen dadka loo gaystay dhibaatooyinka ee loola dhaqmay si caddaalad-daro ah, haddaba maxaa keenay in maanta ina Cagjar uu sameeyo tacaddi lamid ah midkii isaga loo gaystay ! ?

Waxaynu naqaanaa in habfikirka qofku aad u qaabeeyo habdhaqankiisa, in qofku fal ama ficil xun sameeyana waxaa wax wayn ku leh maanhagaha (Attitude) uu ka haysto waxaas sida uu u arkayo, haddii waxaasi la yahay samo iyo saxnaan, waxay u badan tahay in uu sameeyo, wixii maskaxi goyso ayuu addin fuliyaa, baynu ku doodi karnaa innaga oo ergisanayna qaabdhaca maahmaahdii (wixii indho arkaan ayay ilko gooyaan).

Nafsad ahaan, dhibbanihii hore (iminkana cabbudhiyaha noqday) wuu ku nafisayaa dhibtan uu dadka ku samaynayo, balse halgankii iyo dadaalkii loo soo galay ee sababay inuu isagu halkan yimaado wuu ku saxariiray, balse waa in laga feejignaado halista ka soosocota Mustafe Cagjar.
Marba haddii uu Mustafe Cagjar si sharci darro ah isaga xidh-xidhayo madaxda iyo xubnaha ONLF, waxba kuma aha inuu billaabo layn iyo uus xabaal daahsoon oo qarsoodi ah.

W/Q : Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Email : liibanabdi29@gmail.com