Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa mar kale xalay laba qof oo Soomaali ah ku dilay dukaanno ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanno ku dhaw magaalada Johannesburg.
Dilkan ayaa waxaa la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado watay oo la sheegay inay tababaranaayeen, iyadoo ciidamada booliiska dalkaas ay ku gudo jiraan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilka geystay.
Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa tadaabo maalmood gudahood lagu dilay lix dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed, halka tiro intaas ka badnana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.