Xog hoos ay heshay Halgan Media ayaa sheegay in Guddomiyaha degmada Wardhigleey Saynab Maxamed Xabsay ay weli ku jirta isbitaalka Ex Digfeer, Waxaan laga Deyrinayaa Xaladeeda Cafimaaad maadama dhawac culus uu soo gaaray.
Ilo wareedyo katirsan mamuulka gobolka Banaadir ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Guddomiyaha Wardhigleey ay weli ku jirto isbitaalka Ex Digfeer, islamarkaana ay u badan tahay in Cafimaaad Dibada Ah loo Qaado si wax looga qabto dhawaaca soo gaartay guddomiyaha Saynab Maxamed Xabsay.
24kii biisha Luulyo ayey aheed markii Ilaada Xaruunta gobolka Banaadir ay jir dil xogan u geysteen Guddomiyaha degmada Wardhighleey iyadoo aan waxba galabsan, waxayna ku garaceen Qoriga, taasi oo kentay in jabniin dhanka feeraha soo gaaro.
Guddomiyaha degmada Wardhigleey Saynab Xabsay ayaa maalintas u boqaneysay xaruunta mamuulka goboolka Banaadir, si ay qeyb kaga noqoto xuska sanad guraada weerarkii ismiidamiinka ah oo ka dhacay Xaruunta gobolka Banaadir, kaaso ay ka badbaaday, balse uu Ku dhintay Abdirahman Cismaan Yarisow iyo masuuliyiin kale.
Halgan Media.