Hub Farabadan oo Gobolka Gojam Lagu Qabtay

Hub Farabadan oo Gobolka Gojam Lagu Qabtay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Chagni ee gobolka Gojam ayaa sheegaya  in maanta magaalada lagu qabtay 4 Qoryo loo yaqaano Klashnikov (Ak-47) iyo rasaas aad u badan siidi ay sheegan idacaada DW Germany laanta Axmaraada.

Booliska Ismaamulka Axmaraada ayaa sheegay inay hubka iyo rasaasta ku qabteen xafaadaha kamid magalaada kadib markii howlgallo ka fuliyen magalaada Chagni. Arintan ayaa timid kadib isku dhacyo dhex maray kooxo hubaysan iyo ciidamada ismamuulka Axmaraada.

Ismaamulka Axmaraada ayaa waxaa lagu soo daad gureeyay hubka noocyadiisa kala duwan ilaa hadana lama ogo cida rasmiga ah ee kadanbaysa ama dabada ka riixaysa in bub intaas gaadhaya lagu soo daabulo Ismaamulka Axmaraada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.

About The Author